Free Web Hosting Provider - Web Hosting - E-commerce - High Speed Internet - Free Web Page
Search the Web

Waa Maxay Jacaylku ?!

Read The 20 Century Abtirsiga Soomaliyeed Sheekooyinkii  Kun Habeen iyo Habeen KU BARO COMPUTER-KA AFKAAGA HOOYO RAAXADA GUURKA SHEEKOOYIN QOSOL AH, IYO MUDA DAALO TOGDHEER.4T.COM not for news Maxaa lala kulma geeri kadib...! Togdheer.4t.com Hoyga Heesaha soomaliyeed Maqaalo Xiiso Badan MUCJISADII DAHSOONAYD waa sheeko dhab ah QAADKA  IYO DHIBAATOYINKIISA Ganacsiga, Guurka iyo Wax yeelada Taariikh Soomaliyeed: Waagi Faraacinta ila iyo Dagaladi Sokeeye WAAX MAXAY JACAYLKU MA IS WAYDIISAY WALI? Warar Goos-Goos ah. XUSUUSNAW  WALIGAA Breaking the Magician's Code: Magic's Biggest Secrets Finally Revealed Silsilada Ururada Diiniga Ah ee Somalia Guest Book Welcome To My Homepage Welcome To My Homepage Welcome To My Homepage

JACAYL? JACAYL?

 

     

2005-07-21   19:26:47

 

AKHRISTE  hadii aan adiga ku waydiiyo waa maxay jacayl waxaa markiiba maskaxdaada kusoo dhacaysa in uu yahay jacaylku ,waxa aabaha iyo hooyada kulmiya.

Jawaabtaadu hadeey sidaa tahay ma fikrad xumid waayo hadaaney is jeclaan waalidkaagu adigu maad dhalan-lahayn.

AAn kaa siiyo fikrad fiican hadaba jacaylka .....

 

 

Waa Maxay Jacayl?
 
Qorayaal fara badan ayaa isku dayay in ay wax ka tilmaamaan jacaylka, qaar kale waxay u kuur galeen sidii ay dadka uga dhaadhicin lahaayen micnaha uu leeyahay jacaylku, qaar kale waxay isku hawleen sidii ay faahfaahin buuxda uga bixin lahaayeen jacaylka, laakin annigu waxaa muuqata in aan la kali noqday baadhistayda cilmiyeed.

Kalmada LOVE waxaa loo soo gaabiyay sidan; L (lack of pleasure) O (ocean of sad) V (vellay of deeth) E (end the live).
Kalmadahaas oo macnahoodu yahay, (farax la,aan), (badda murugada), (dooxada quruntay), (dhamaadka nolosha).

Hadaba kalmada LOVE oo micneheedu yahay jacayl aan fiirino Dhanka Soomaliga waxay la mid tahay iyo waxa laga soo gaabiyay kalmada jacayl: J (jahwareer) A (amakaag) C (calaacal) A (anfariir) Y (yaab) L (luul).

Waa Maxay Jacayl? Runtii waa su,aal ku soo noq-noqota qofka bani aadamka ah.
Balse aan isku dayo inaan ka war bixiyo jawaabtaas, maadama aan anigu isku galay mawduucan adag.

Markaynu dib u raacno dhacdooyinka iyo sooyaalka waayaha, run ahaantii waxaynu odhan karnaa ummadaha adduunka ku dhaqan hadii aynu weydiino waa maxay jacaylku? Shaki kuma jiro afkay doonaanba ha ku hadleene, inay wax inooga sheegi karaane, Soomaali ahaan inagu maxaynu ku tilmaami karnaa jacaylka?!! Markase la soo hadal qaado markiiba maxaa maskaxdeena ku soo dhaca?!! Sidee ayaanu ruux kastaba u arkaa?!!! Maxaase lagu gartaa qof kuu asiibo?!!!.

Hadaba intaynaan u bixin ka jawaab celinta su'aalahan, ninkii iska hadlayaaba ha iska hadlee jacaylku wuu jiraa, waxaanan ku sharxi karaa waa abuur dareen oo dabiici ah oo uu qofi qof kale ugu gudbiyo aragti, hadaan si kale u dhigana JACAYLKI waa hanasho waa jamasho waa hilow, waana ruuxay naftu tebayso, hadh iyo habeena ay ku hamido.

Run ahaantiina Jacaylka dhabta ahi ma gudho mana dhamaado, had iyo jeerna qofka wax jeceli afkaasi kama dhigo ruuxuu jecel yahay, mar arrintaasi lays weydiiyeyna waxaa laysla gartey hadal hayntaasi joogtada inuu uga dhawaanayo, wehelna uu ka dhiganayo, waxaa kaloo la xaqiijiyey inay riyaduna xad dhaaf tahay, waana iska suurowdaa inuu habeenkiina ku qarwo!!!!.

Philosoph ( waa cilmi saynis la xidhiidha aasaaska jiritaanka dunida iyo fahanka micnaha nolosha ) iyo Diinta Islaamkuba waxyaabo badan ayeey ka yidhaahdeen jacaylka, diin kastaba ha ahaate iyo af kastaba ha ahaadaane, jacaylka isku si looma qeexo badana.

Midka jaceylku saameeya wiil iyo gabarba, waxay had iyo jeerba ku jiraan mowjada feker ah, himiladiisana wuxuu ugu baaqi dhigaa ruuxaa u jeclaa. Waxayna dib u soo celisaa xasuustiisa, waxaana ku abuurma xiisad kalgaceyl oo uu weligiis hilmaami doonin. Wiilka & gabadhaas waxay go’aan ku gaaraan ayay fuliyaan, iyagoo kalsooni buuxda isu haya, waxa ay sameynaa uu yahay jaceylkooda. Waxay ka tashadaan ayahooda dambe iyo mustaqbooda siduu noqon doona.

Faa’iido iyo qaasaro wuu leeyahay jaceyl laakinse waxyeelada ugu daran ee jaceylku keena waxaa weeye marka ugu horeysa aad dareentid inuu ku taabtay talaalkii jaceylka, taas oo micneeheeddu tahay xanuun cusub oo ku soo kordho oogadaa, jirkoo ku jajaba, niyad xumi, raashiinkoo ka go’did, iyo is daryeel la’aantaan jirkaada. Waa astaamaha jaceylka, markaad ruux jaceyl u qaadid, oo isna kuu ogeyn inaad dunida ku nooshayba.

Jaceylka noocaas ah, waa midka ugu khatarsan intaad naftaad halis gelisid amaba dhaawac isu geysatid, mana ogaantid goortaad ficilkaas sameysay, sababtoo ah, damiirkaada oo maqan. Dakhtar ku daaweyn karo maleh, illaa aad ka heshid kii aad jeclaatay amaba aad codkiisa iyo aragiisa maqashid/aragtid taasi waa qasaaruu leeyahay jaceyl.

Jacaylku waligiis waa jiray waxaana nahay mataano waxaana ku kulanaa nolosha, jacaylkU asagaa nooma baahna ee anagaa ubaahan, Jacaylka waa wax soo jireen ah ilaa iyo abuurkii Xaawo Iyo Aadan, Jacaylka kama maarano asagana nagama maarmo Jacaylka waa cudur dawadiisuna waa qofka aad jeclaatay oo kugu garab istaaga beerana geed laga waraabiyo labada dhan waxaa jira dad fara badan oo u dhintay jacayla dadkaas oo ahaa qoomiyado kala gadisan waayo jacaylku mayaqaan da,waqti, madaw iyo cadaan.jinsi midna (waa lax dhukan abaar moog) dadkaas waxaa kamid ahaa Laylo iyo Qays Cilmi iyo Hodan Juuliya iyo Romeo Grendiano Iyo waliba dad kaloo aad u fara badan oo aanaan halkaan ku soo koobi karin .

Jacaylka waxa uu leeyahay astaamo lagu garto waxaana ka mid ah Dhidid Cuqdad fakar xad dhaaf ah Boholyaw Mashquul fara badan Qofka oo dhibsada hadalka U hamuun qabid araga qofkaad jeclayd Tarsaas magaca qofkaad jeclayd Cunada oo kaa xiranta iyo cunaha oo wixii sii maraaba ay noqdaan candhuufta, Danaynta qof kaaga warama arimaha jacaylka ama xaaladaad ku sugantahay iyo in aad jeclaato buugta iyagu ka waramaya qisooyinka jacaylka iwm.

Waxaan filaya in aynaan soo koobi karayn macnaha buuxda ee uu leeyahay Jacaylku. Balse aan isku dayay in aan Laba kalmadood oo kaliyah ka idhaahdo jacaylka.


Dadka ku xeel dheer arrimaha bulshada ee wadanka United Kingdom waxay u qeexeen Jacaylka sidan;

Love is feeling cold in the back of vans / Love is a fanclub with only two fans
Love is walking holding paintstained hands
Love is Fish and chips on winter nights / Love is blankets full of strange delights
Love is when you don,t put out the lights
Love is the presents in christmas shops / Llove is when you are feeling top of the pops
Love is what happens when the music stops
Love is white paints lying all forlorn / Love is a pink nightdress still slight warm
Love is when you have to leave at dawn
Love is you an love is me Love is a prison and love is free
Love´s what´s there when you ´re away for me

Akhriste Fadlan hadii aad hayso fikrad intaas ka balaadhan iigu soo hagaaji E-mailkayga. skyword268@hotmail.com

 

 

 

love  is  feeling  cold in  the  back of  vans        love  is  a  fanclub  with  only  two  fans

                                       love is walking  holding   paintstained  hands                              

love  is  Fish  and   chips  on  winter  nights       love  is   blankets   full  of  strange delights

                                      love  is  when  you  don,t   put out  the lights

love is the  presents  in  christmas  shops         love is when you are feeling top of the pops

                                     love  is  what happens   when  the  music  stops

love is white paints   lying  all  forlorn               love is  a  pink  nightdress  still  slight  warm

                                      love is when   you have  to leave  at   dawn

love       is       you    an   love    is  me                  lave    is   a   prison    and   love  is   free

                                      love´s    what´s  there    when   you ´re away    for    me

 

 


 

 

 

 

 

contact  Abdi karim

skyword268@hotmail.com

abdikarimsweden@hotmail.com

                   

Sample Photo 1

"I Love You Xaliimo" Wiil isu jar-jaray jaceyl aawadiis  


Ma jiraan laba qof oo ku doodeysa in uu jiro Jaceyl ama keeni karo dhibaatooyin iyo faa`idooyin labada waa kuwa mar waliba la filankaro taasi oo ku timaada nafta wax Jecelaatay .


Jaceylka waa koob uu ka buuxo hawo cid walba oo leh wadna shaqeeynaya ay dooneyso in ay cabto , waa doon bilaa shiraac ah oo mowjadaha badda si nabad ah ku mareysa, marna waa gil gilaha aduunka waana qaraar marna wa macaan sida uu ku soo maro .

Nafta wax jecel mar waliba waxa ay qaadaa talaabooyin xanuun badan oo lagu muujinayo baaxada dareen Jaceyl ee u hayo sida nata la jeclaaday loogu war giliyo xanuunka taagan ee loo qaaday .

Hadaba Aadan Cali Sabriye waa wiil soomaaliyeed oo ku jira da`da 20-aad kuna nool magaalada Cape Town ee S/africa ayaa iminka la daalaa dhacaya dhibaatooyin ka soo gaaray Jaceyl xoogan oo uu u qaaday gabar ay ehel yihiin iyadoo si uu ugu muujiyo Jaceylkaasi sameeyay talaabooyin uu jirkiisa ku dhawaacay .

Aadan Cali ayaa sameeyay qaliin uu ku sameeyay jirkiisa taas oo uu uga gon lahaa soo bandhigadda jaceyl dilooday oo in badan uu qarsanayay taasi oo uu u qaaday inanta ay ehelka yihiin iyadoo baaxadda Jaceylka ku soo bandhigay gacantiisa sida isaga oo ku qoray Jaceylka haya iyo magac inanta uu la dhacay .

"In aan jirkeeyga ku qoro Jaceylka iyo magaceeda waxa aan uga gon lahaa si aan ugu bandhigo Jaceylka aan u hayo , lama aan hadal waa qarsanayay , in aan jeclaaday ayaan marqaati uga dhiganayay gacanta", ayuu yiri dhibane Aadan Jaceeloow .

Iminka oo dhibkaas isu geeystay ayuu hadana si weyn u dareemayaa cidlo dhanka Jaceylka oo uusan hayn wax gacan qabasho ku aadan jaceylka walaan ee aan indhaha laheyn oo uu u qaaday inantaasi.


"Haa sxb wax hor mar ah iminka ma hayo , xiligii dhibka bilaawgisa niyad dhis ayaan dareemayay iyo in wax qabasho imaanyso sida aan ka dareemayay , laakiin xaalka sidaa ma noqon niyad jab iyo jahwaeer ayaan la kulmay ", ayuu ii raaciay Aadan .

Iyadoo dhibkaasi idil uu maray Aadan jaceeloow hadana waxa uu ii sheegay in ay ka go`an tahay in uusan quus dhigin uuna aaminsan yahay in mar uun ay wax isbadli doonaan taasi oo micnaheedu u gartay in maalin uun uu wehel helo doono .

Aadan Cali Sabriye xanuunkaani Jaceyl ka sokoow waxa uu ka dhexlay in uu mu`alif geeraar noqdo iyadoo uu sameeyay geeraaro badan oo iminka dadka reer S/africa ay isugu diraan Mobailka sida :

Tiro dumar la soo xulay tii ugu jirtay aya tahay ,timir` iyo tufaax canab talaalan ayaa tahay
Ubax talaalan fiid soo tarmata ayaa tahay,Talisadii haweenka iyo tiirkii noloshaa tahay.
Nafta wax ay ku taliso taladaadaa u horeysa , Isha waxa ay ku qaboowdaa aragtidaada
,
Iyo waliba geeraaro kale oo halkaan lagu soo koobi karin .
Aadan ayaa si hoose iigu muujiyay in dhibaatooyin badan uu ka qaaday Jaceylkaani xanuunka badan sida feker xad dhaaf iyo bulshanimadii oo ku sii yaraaneyso iyadoo uu sheegay in Jaceylkaani oo u qorsanaa uu ahaa mid dhanka dalka Kenya ku soo bilawday muddo haatan laga joogo sedex sano .

Aadan Jaceeloow ayaa haatan muujiay in uu talo iyo tusaale ka sugayo aqrisatayaasha , iyadoo dhanka kale uu ku booriyay dhalaanka soomaaliyeed in ay ka fogaadaan sameyn Jaceyl been ku saleeysan , isla markaana loo baahan yahay in kalsoonida iyo jiritaanka Jaceylka la dhowro .

Waxaana xusid mudan in sida uu ii sheegay Aadan in aan laga aqoon S/africa qadarinta Jaceylka iyo waxa la yiraahdaba iyadoo laga yaqaan Bac Madoow oo uu ii sheegay in ay tahay Lacag uun oo Jaceyl aan la aqoon S/africa lacagta ay ka tahay Jaceylka ka jira .

Inkastoo uusan Aadan bacmadoowga ka marneyn hadana waxaa u sii dheer in Jaceyl xanbaarsan yahay inakstoo uu cidla dareemayo , waxaana iminka loogu yeeraa Aabaha Jaceylka maadaama halkaan Jaceylka looga qoslin .

Cidii dooneysa talo iyo tusaale in ay siiso dhibane Aadan Cali kala xariir :
ll_CooL_a18@hotmail.com
ama Tel:+27731450045

Cismaan Xasan Cali (Fantastic)
ossmanfantastic@otmail.com

Sample Photo 3

Brief Description

Sample Photo 4

Brief Description

Brief Description

Sample Photo 6

 

Free

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

copyright  2007-07-21   abdikarim ahmed hussein   All rights reserved